𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 Saleeban Oo  𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝗮𝘆 𝗶𝗻 𝗱𝗮𝗹𝗸𝘂 𝗚𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗫𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱 𝗵𝘂𝗯𝗮𝗻𝘁𝗶 𝗹𝗮’𝗮𝗮𝗻 𝗮𝗵.

0
350

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 Saleeban Oo  𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝗮𝘆 𝗶𝗻 𝗱𝗮𝗹𝗸𝘂 𝗚𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗫𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱 𝗵𝘂𝗯𝗮𝗻𝘁𝗶 𝗹𝗮’𝗮𝗮𝗻 𝗮𝗵

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in dalku galay xaalad aan caga badan ku taagnayn oo hubanti la’aan ah.

Wuxuu xusay in guud ahaan waddanku qiiqayo, oo meelkasta nabadgelyo la’aani la jirto, oo xaaladaha colaadeed ee waddanka ka jira qaarkood xal loo laayahay.

Waxaanu yidhi.”Boramay ka taagan tahay, oo Saaxilbay ka taagan tahay, Soolba ka tagaan tahay, oo Sanaagba ka taagan tahay, dalka meel aan qiiqatni majiro, hadda lagu maqan yahay oo Guurtidii ku maqan tahay, kuwa dhibtoodii ilaa hadda xal loo laayahay, meel walba fooda la is’haysta oo dalka oo dhanba qiiqaya xaalad nabadgelyo-darro ayaa jirta”.