Dagaal Culus Oo Maanta Laascanod Ka dhacay Iyo Somaliland Oo war Kasoo Saartay

0
260

Dagaal Culus Oo Maanta Laascanod Ka dhacay Iyo Somaliland Oo war Kasoo Saarta

Sonaliland ayaa Sheegtay in Lasoo weeraray oo ay iska difaacdat ciidii Soo weerartay oo ah Hiwanta Laascanod.

Wasiirja Gaashabdhiga Mr Caateeye oo war qoraal ah Soo saaray ayaa Yidhi Sidan:-

“Ciidamada Qaranka oo Dhirbaaxo Kulul ku Dhuftay Ciidamada Huwanta ee ka dagaalama Laascaanood.

Laascaanood-18-05-2023-()-Fadhiisimadda Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Laascaanood ku sugan waxa maanta Weerar qorshaysan ku soo qaaday Ciidamada Huwanta ah ee is garabsanaya ee Maamulka Puntland-Soomaaliya, Kooxaha Argagixisada ah iyo kuwa Degaanka ee La khalday.

Ciidamada Qaranka Somaliland oo ay maanta u ahayd maalin ay bulshada Jamhuuriyadda Somaliland la qaataan Dabaal-degga la soo Noqoshada Madaxbanaanida Qarannimada Somaliland ee 18 May ee 32aad lagana xusayey maanta dhamaan gobolada dalka, balse fadhiisimada ciidamada Qaranka ee ku sugan aagga Gooja-cade oo ah gobolka Sool oo xuska Sannad Guurada 32aad ee 18 May oo la qaadanayey shacbigooda dareenka maalintanay ay u leedahay ciroole iyo carruurba ayaa waxa subaxnimadii hore ee saaka weerar qorshaysan ku soo qaaday ciidamada huwanta oo saddex jaho oo kala ah Galbeedka magaalada ee Xargaga, Bariga Magaalada ee Maraaga iyo aagga Dhaban-saar ka soo weeraray ciidanka Qaranka Somaliland iyagoo la kulmay jab aanay mahadin oo ay xasuusan doonaan muddo dheer iyaga oo ku danbeeya jab iyo firxad.
Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Soomaaliland