Rasaas Laga Maqlayo Gudaha Magaalada Ceerigaabo

0
202

Magaaladda Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag, ayaa caawa Laga maqlayey Rasaas la dhacaysa Gudaha Magaaladda oo ay shaqaaqo ka dhacday.

Warbaahinta magaaladàsi ku sugan ayaa sheegaya in ay rasaastu ka bilaabantay Qayb ka mid ah magaaladda oo Diidan ama Kasoo horjeeda debaal degga 18 May ee Somaliland, Isla markaana ay dad hubaysani rasaas ku fureen Gaadhi Ciidan, ciidankuna u jawaabeen.

Ma jiro Wax khasaare ah oo ka Dhashay rabshadan Ceerigaabo iyo rasaasta sida ay wararku sheegayaan, iyada oo aanay wax war ah Kasoo saarin Maamulka magaaladda iyo gobolkuna dhacdadan.