Ergadii Muqdisho Oo Weli Xal U La’ Arrinta Laascanod Xamarna Ku Laabanaya

0
116

Ergadii Muqdisho Oo Weli Xal U La’ Arrinta Laascanod Xamarna Ku Laabanay

Madaxdhaqameedkii Muqdisho Ee Hargeysa U yimi Xaaladda Laascaabod, ayaan weli wax war ah Kasoo saarin Halka ay wax u marayaan, iyaga oo muddo hadda ku sugnaa Hargeysa, lana kulmay dhinacyada is haya ee Somaliland iyo Garaadadaba.

Warar Laga helayo odayashan Xamar Ka Yimid, ayaa tibaaaxaya in aanay ilaa hadda wax xal ah oo Labada Dhinac lagu wada hadashiinayo haynin oo ay ku guul daraysteen arrinta ay u yimaadeen, dhowaanna ay dib Ugu laaban doonaan Muqdisho.
Ma jiro Wax War Ah Oo Kasoo Baxay Ergada, Balse warar Laga Helayo, ayaa sheegaya in Waan waanta Labada Dhinac ee Somaliland iyo Garaadada ay Ka socon waayey xagga Garaadada sool oo illaa hadda Diidan inay Somaliland la hadlaan, balse Somaliland ayaa iyadu marar badan Sheegtay inay diyaar u tahay wada hadal, in kasta oo aan wax war ah Laga helin inay Odayaasha Muqdisho ogolaanshaha siiyeen dhinocooda iyo in kale.

Madaxdhaqameedka ayaa la sheegay inay maalmaha Soo socda ku laaban doonaan Muqdisho, Kuna dhawaaqi doonaan inay xal u waayeen Xaaladda Laascanod oo ay ka bexeen wan wanatii ay wadeen, iyaga oo cadayn doona xagga ay wax ka socon waayeen.