Somaliland Oo Sheegtay Inay Muwaadiniinteeda Kasoo Samata Bixinayso Suudaan

0
156

Farriin ku socota Muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan dalka Suudaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, gaar ahaan Xafiiska Qurbajooggu waxa uu ku wargelinayaa Ururka Midawga Ardayda Jaamacadaha ee Somaliland ee dalka Suudan iyo guud ahaan dhammaan ardayda reer Somaliland ee waxka barata Jaamacadaha ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Khartuum iyo gobollada kale ee dalka Suudaan iyo guud ahaan Jaalliyadda reer Somaliland ee ku nool wadankaasi inay muujiyaan feejignaan badan, isla markaana ay toos ula soo xidhiidhaan cinwaannada hoos ku qoran, soona gudbiyaan xogohooda, si looga hawlgalo in la soo daadguureeyo, haddii ay kasoo rayn waydo xaaladda cakiran ee maalmahan ka taagan dalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, iyadoo kaashanaysa hay’adaha ay khusayso, waxay diyaar u tahay in laga soo samatabixiyo muwaadiniinta reer Somaliland xaaladda colaadeed ee ka jirta dalka Suudaan.

Dawladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay rajaynayaan in xaaladda ka aloosan dalka Suudaan lagu soo dabbaalo nabadgelyo iyo is-afgarad.

Email: Communications.mofa@sldgov.org

MOFA Tell/WhatsApp: 63 7857777

Phone: +252 63 6562726 / / 63 4403392

Phone: +252 65 9735372 / 65 4403392

Email: director@sldiasporaoffice.com

Email: sldiasporaagency@gmail.com