Wasiirka Diinta Somaliland Oo Guddi U Saaray raadinta Curashada Bisha Ciidda

0
164

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Dr Sh.Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa maanta shir is kugu yeedhay Gudidda Culimada ah ee uu u magacaabay ilaalinta bilashada bisha Shuwaal.

Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waxa uu Wasiirku ugu baaqay dhammaan Shacabka Somaliland in ay ilaaliyaan eegista bilashada bisha shuwaal ee ciidal Fidriga.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in qof kasta oo arka bilashada bisha Shuwaal in uu lasoo xidhiidho Gudidda ilaalinta bisha, xafiisyada Wasaaradda, Gudoomiyaasha Gobolada, saldhig Boolis halka ugu dhow ama ay soo wacaan telifoonada

063440092/0634429981/4136313.