“Maanta laga bilaabo ma jiri doono wax la dhaho qaab-dhismeedka Liyuu Boolisku” Taliyaha Ciidamada Itoobiya

0
128

“MAANTA LAGA BILAABO LIYUU BOOLIS MAJIRAYO”: BIRHANU JULLA.

 

Taliyaha ciidamada Itoobiya oo madal AdisAbaba ka qabsoontay ka hadlay ayaa sheegay inay ciidamada Liyuuga sifo sharci daro ah ku aasaasnayeen, wuxuu kaloo sheegay inay amniga halis ku ahaayen oo ay Deeganadu dhexdoodu awood isku addeegsan jireen.

 

Birahnu Julla, oo madasha ka hadlaya ayaa yidhi; ”

Maanta laga bilaabo ma jiri doono wax la dhaho qaab-dhismeedka Liyuu Boolisku”

 

Wuxuu xusay in qorshaha dib

bu-habayntu sifiican uga socdo Deegamada.Wuxuu kaloo sheegay inay jir doonin ciidan gaar ah oo Deeganada shaqo looga dirsado.

 

Maamulka Deeganka ayaase xili hore sheegayay inaysan ciidamada shaqadoodii,hubkoodii iyo goobahay ka hawl-galayeen aysan waxba iska badaleyn oo ay sidoodii ahaan doonan.Haddalada kasoo baxaya taliyayaasha Milatariga ayaase ah kuwa ka duwan.

VOSS TV