Qorshaha Ergada Muqdisho U Muuqda Mid Dhinac Kar Raran Iyo Xukumada Somaliland Oo Walaac Ka Qabta.

0
200
Ergada Madaxdhaqameedka ee Muqdisho ka yimi, ee isu xilqaamay xalinta xaalada ka taagan Laascaanood ayaa maanta gaadhay goobaha maalmihii u danbeeyay dagaalku ku dhex maraayay Ciidanka Qaranka Somaliland iyo ka Huwanta.
Madaxdhaqameedka ayaa hawsha nabadaynta bilaabay iyaga oo aan weli shaacin in ay kalsooni ka haystaan labada dhinac ee Somaliland iyo Garaadada, ee ay doonayaan inay u kala garnaqaan oo xiisada dhex taala ay xaliyaan.
Isamadan oo la sheegay in Somaliland aanay weli siinin kalsoonida dhexdhexaadinta xalada Laascaanood, ayaa hore ka biloowday hawl u muuqata qiimaynta dagaalka, iyagoo ay wehelinayaan qaar ka mida Garaadada Sool oo kasoo raacay Garoowe.
Talaabada Ergadu maanta ay qaaday ayaa Dawlada Somaliland ay ka xumaatay, waxaanay walac ka mujisay dhexdhexaadnimadooda, maadaama oo ay ogalaansho la’aan ku tageen Xeryihii Ciidanka Qaranka, sida ay tibaaxayaan xogta aanu ka helnay Xukumadda.
Dhinaca kale Ergadii Madaxdhaqameedka ahayd ee reer Somaliland oo la xidhiidhay Ergada Muqdisho ayaa la sheegay inay ku wargaliyeen in wadahadalka Garaadada ay kusoo wada dhamaystaan Garoowe oo ay toos u yimaadan Hargeysa sidaasna ay kula kulmaan dhinaca Somaliland, balse Ergada Muqdisho ayaa arintaas ka dhaga adaygay, waxaanay toos u tageen Laascaanood, taas oo xukumada Somaliland ula muuqatay inaanay dhexdhexaad noqon karin Ergadaas.
Talaabadan Ergadu ay ku tageen Laascaanood ayaa Somaliland ku abuurtay kalsooni daro hor leh oo sababi karta in Somaliland ay ku gacan saydho dhex dhexaadintooda iyo u garnaqidooda.
Ahmed-nuur Samraawi.