Tahriibayaal Lagu La,yahay Xeebaha Tunusiya

0
143

Ugu yaraan 34 qof oo tahriibayaal ah, oo ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya – oo ay ku jiraan carruur iyo kuwo baryo dhalan – ayaa lagu la’yahay xeebaha dalka Tunisia, ka dib markii ay la degtay doontii ay la socdeen.

 

Waa doontii shanaad oo tahriibayaal ah oo degto laba maalmood gudahood, iyadoo ilaa hadda la xaqiijiyay 7 qof inay dhinteen, 67 kalena weli la la’yahay.

 

Maamulka, ayaa rumeysan in doonidaasi ay ku sii jeedday dalka Talyaaniga.

 

Ilaalada xeebaha dalka Tunisia, ayaa lagu soo waramayaa in ay joojiyeen 56 doonyood oo ka dhoofayey dalkaasi, kuwaasoo ku sii jeeday dalka Talyaaniga, labadii maalmood ee la soo dhaafay.

 

Houssem Jebabli oo ka tirsan Ilaalada Qaranka dowladda Tunisia, ayaa sheegay in in ka badan 3,000 oo Tahriibayaal ah la qabtay, iyagoo isku dayayay inay ka baxaan dalkaasi.

 

Tuniisiya ayaa waxay noqotay meel laga soo dhoofiyo muhaajiriinta, si ay u galaan qaaradda Yurub.

 

Xogta Qaramada Midoobay, ayaa muujineysa in ugu yaraan 12,000 oo muhaajiriin ah ay gaareen dalka Talyaaniga sanadkan, kuwaasoo ka yimid Tunisia, halka 1,300 oo muhaajiriin ah ay kasoo galeen isla waqtigaas dalkani sanadkii hore.

 

Bishii la soo dhaafay, madaxweynaha Tunisia, Kais Saied, ayaa ku eedeeyay muhaajiriin Afrikaan ah oo ka yimid dalalka ka hooseeya Saxaraha oo ku nool dalkaas, inay sababeen mowjado dambi ah, oo uu ku tilmaamay inay yihiin khatar xagga tirada dadka ah.

 

Hadaladiisa ayaa waxaa si weyn u dhaleeceeyay ururka Midowga Afrika, waxaana ay lagu naqdiyey “hadallo naceyb ah” oo ay ku tilmaameen kooxaha xuquuqda aadanaha.

 

Isagoo ka hadlayay shir-madaxeedkii magaalada Brussels Jimcihii, ra’iisul wasaaraha midig-fog ee Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa ka digtay inay dhici karaan “mowjado dad muhaajiriin ah” ee ku wajahan Yurub, haddii xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka Tunisia aysan xasilin.