Madaxdhaqameed Xallinta Laascanod U Socda Oo Garoowe Soo Gaadhay

0
214

Wefti madax dhaqameed ah oo uu hogaaminayo Ugaas maxamuud cali ugaas oo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho ayaa hada kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada garowe.

 

Madax dhaqameed kan ayaa ka socda beelaha hawiye iyo digil iyo mirifle, Ujeedada socdaalka Odayaasha ayaa ah Xallinta Xaaladda Laascaanod, in kasta oo aan war sugan Laga haynin sida ay arrintan u waajahayaan.

 

Weftigan ayaa Waxa madaaarka magaaarada Garoowe kusoo dhaweeyey Garaadada Gobolka Sool oo Halkaasi ku sugayeye, Kuna qaabilay garoonka Markii ay Soo gaadheen.

 

Ergadan ayaa la filayaa inay u kala dab qaadi doonaan Somaliland iyo Garaadada Sool, si xal loogu heli Dagaalka mudada bilaha gaadhaysa ka socda Magaaladda Laascaanood oo khasaare naf iyo maalba leh sababay. Dad badanna ay ku barakeceen.

 

Dhinaca kale Itoobiya ayaa hore u wadday dedaallo dhex dhexaadin ah oo ay doonaysay inay labada Dhinac ee Somaliland iyo Garaadada sool Isugu soo dhaweyso, balse ay Garaadadu sheegeen inay ka baaqdeen, Halka Somaliland ay Guddi madax dhaqameed ah u xushay arrintaasi, balse aan muddooyinkan dambe war Laga helin Halka ay wax marinayso Itoobiya.