Sheekh Cabdiraxmaan Dheere oo ALLE ka baryay Joojinta Colaada Laascaanood

0
107

Sheekh Cabdiraxmaan Dheere oo ALLE ka baryay Joojinta Colaada Laascaanoo

Hargeysa – Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka mida culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa sheegay in dhiiga Laascaanood ku daadanaya uu yahay bar iyo xannuun innagu yaala.

Sheekhu waxa isaga oo ILLAAHEY ku baryaya magacyadiisa wanaagsan iyo tilmaamihiisa sarreeya uu ka baryay in uu inaga qaboojiyo colaada magaalada Laascaanood ka socota.

Waxaanu yidhi.“ILLAAHEY innaga oo ku baryayna magacyadiisa wanaagsan iyo tilmaamihiisa sarreeya ALLE in uu innaga qaboojiyo dhiiga Laascaanood ku daadanaya, ILLAAHEY in uu quluubteena isu soo jeediyo, ILLAAHOW quluubtayada isu soo jeedi, ILLAAHOW dhexdayada nabad iyo wanaag iyo islaax dhig, ILLAAHOW bogayaga burcad isumari, ILLAAHOW dhiigayaga kala badbaadi oo kala qabooji yaa RABBIL CAALAMIIN, ILLAAHOW awoodada iyo qudradada ku kala qaboojin kara ee ku kala qabooji.

Dhiigkasta oo Laascaanood ku daata waa bar iyo xannuun innaga innagu taala, waa jidhkeeni qayb ka mida oo go’aysa, inaga oo ku jira mida ka mida guryihiisa ka mida, ILLAAHEY waxa aynu ka baryayna in uu ducadaas inaga aqbalo, ILLAAHOW naga aqbal”