Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Kulan La Qaatay Taliye Qaybeedyada Iyo Badhasabada Gabiley Iyo Awdal

0
1

Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa kulan la qaatay Talisyada Qaybaha Ciidanka Booliska ee Goballada Awdal iyo Gabilay, halkaas oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda nabadgelyada , Taliyayaasha Qaybaha iyo saraakiisha ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay xaalada amniga ee labada Gobal.

 

Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi wuxuu ku booriyay in ciidamadu si wadajir ah uga shaqeeyaan xasiloonida gobollada , gaar ahaan inta lagu guda jiro ololaha doorashada, si looga fogaado wax kasta oo khalkhal galin kara amniga. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda iskaashiga bulshada iyo ciidamada si loo xaqiijiyo in doorashadu dhacdo si nabad ah.

 

Dhanka kale, Taliyaha ayaa kulan la qaatay Badhasaabka Gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi , waxaana ay iska waraysteen xaaladda nabadgelyada ee gobolka, iyagoo isla soo qaatay qorsheyaal kor loogu qaadayo amniga iyo xasiloonida gobolka.

 

Ugu dambeyn Taliyuhu wuxuu saraakiisha kula dardaarmay in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda iyo in ay si hufan ugu adeegaan xisbiyada iyo ururada qaranka , muddada Ololaha doorashada , madaamo Boolisku dhex u yahay dhammaantood.

 

Warbaahinta Ciidanka booliska jsl