Madaxweyne Mustafe Oo Ka Hadlay Imtixaanka Lagu Hoobtay Ee Itoobiya 

0
16

Madaxweyne Mustafe Oo Ka Hadlay Imtixaanka Lagu Hoobtay Ee Itoobiya

 

Mw Mustafe, qoraal uu ka qorey imtixaanadka ayuu ku sheegay in dalku nalla qabo, oo ay caqabado guud jiraan.

 

Dhawr arrimoodba dooddaas lama qaadan karo:

1: Deeganku waa meesha kaliyee Nabada ah, ee ay ka jirto xasilooni siyaasi, halka Deeganada kale dagaallo ka socdaan,oo aan imtixaanka la galin,. meellaha qaarkoodna loollan siyaasi ah ayaa u deer.Saas oo tahay tiradda gudubtay waxba kama helno, waliba Deeganka Hararida oo xafiis Deeganka ah miisaniyadiisu le’egtahay ayaa inaga baddan inta gudubtay.Oromiya ilaa 10kun oo arday ayaa gudbay, boqoley haddii la eeggo inay 1k ama 2k inoo gudubtay ahayd.

 

2.Deeganka mallaayin lacag ah ayaa lagu kharash garreeyay arday 1500 ka baddan oo degmooyinka laga soo xarreeyay, kuwaasna waxba kama gudbin.Taasoo muujinaysa in maamul xumo jirtay, xulashadii hore ama qaabkii loo wajahay.Xitaa 2 qof oo ardaydaas ka baastay lama hayo, hadda waa 2 qof.

 

3.Deeganka Dugsiyaddii xukuumaddu ku amaanayd ee la sheegay in tiradda la badiyay, lama hayo ilaa 10 ama 8 qof oo ka baasay Gobalada oo dhan.ilaa hadda Dugsigga sarree Jigjiga oo 1 qof ka gudbay mooye, wax kale annigu ma arkin.In Dugsiyaddii Dowladdu maamulaysay Dugsigga Tayo oo dhalinyaro barreefado dhigayay ay sannadkan un furteen uu ka bato sow ma tilmaamayso fashilka waxbarasho ee maamulka.Tayo, kalgeed ayay 23 gudbeen, waana Dugsi cusub oo ay dhalinyaro bareefadda Dhigga furteen.11kii gobal wixiii Dowladda Dugsiyadeedda sarre ka baasay iyagaa ka baddan.

 

Deeganada kale Dugsiyadda Dowladdu maamusho iyo kuwa hoyga ah ayaa ugu dhibco sarreeya, halka Deeganka laba qowmiyadaha kale leeyihin ugu sarreeyaan, oggowna dadka gudbay haddii labadaas Dugsi laga reebo waxa soo hadhayaa iskayar.

 

Deeganada kale majiro Deegan Dugsiyaddii Dowladda ay noocas yihiin, waliba Deegan aysan 30 arday u gudbin hadduu jiro maamulku ha sheegaan, waxaan qoraalkan ka bixin raali galin, haddii la hello.

 

Innagoo saas ah, oo 11kii gobal Dugsiyaddii Dowladda ee miisaniyadda loo qabtay 1% xitaa ka gudbin, siddee loo dhihi karaa dalkaa nalla qaba?

 

W-Q: Macalinka Soomaaliyed (ms)

VOSS TV