Ciidanka Xeebaha somaliland Oo War Kasoo Saaray Kalluumaysato La Waayey.

0
11

Ciidanka Xeebaha somaliland Oo War Kasoo Saaray Kalluumaysato La Waayey.

Ciidanka ilaalada xeebaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa helay warka kaluumaysto laga baadhaya xeebaha iyo biyaha somaliland mudo 10 maalmood ah oo kasoo hadlay xeebaha dalka Yemen oo ay ka caariyeen

 

Doon kaluumaysi oo ah nooca loo yaqaano Volvo oo ay saarnayeen 4 nin oo kaluumaysto oo ka baxay magaalo xeebeda Berbera 29 bishii Ogoosto ayaa ka caariyey xeebaha koonfureed ee dalka Yemen kadib markii badda ku maq-nayeen mudo 26 caano-maal ah .

 

Kaluumaystadan oo baadi-goobkooda lagu jiray todobaadkii udanbeeyey ayaa manta gelinkii hore kasoo hadlay iyagoo caafimaad qaba dalka aynu dhanka waqooyi jaarka ka nahay ee Yemen .

 

Waxay sheegeen inay cilad farsamo ku timi doontii kaluumaysi ay wateen iyadoo bilowgii bishan kadib ay baddu ku kacday islamarkana ay ka dejisay xeebaha dalka Yemen 13 cisho kadib .

 

Waxaa la keeni-doona Somaliland maalmaha soo socda hadii alle idmo .

 

#CIIDANKA ILAALADA XEEBAHA SOMALILAND #Berbera