Dahabshiil Bank Oo Abaalmarin Qaali Ah Ku Guulaystay

0
58

Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil ayaa ku guuleystay abaalmarinta Bangiga ugu wanagsan adeegyadda Technology-yadda Casriga ah “Best Bank of IT Integration and Innovative Products,” taasoo ay bixiso Xarunta Al Huda ee Bangiyadda Islaamka iyo Dhaqaalaha (Al Huda, Centre of Islamic banking and economics), oo fadhigeeduna yahay magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Munaasibadda Abaalmarintan oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa waxa ka qayb galay maamulaha bangiga Dahabshil Omer Sheikh,Guushan ayaa uga dhigan Bangiga Dahabshiil sida ay uga go’an yahay in ay si hufan ugu adeegaan maacaamiishooda, isla markaana si joogta ah u casriyeeyaan adeegyadda bangiga Dahabshiil, Waa Abaalmarintii Sadexaad ee bangiga Dahabshil muddo hal sano ah ku guuleysto#DBI.

#DahabshilBank #Abaalmarin #CIBE2024