Wakhtiga Ay Dib U Bilaabmayaan Wada Hadadda Itoobiya Iyo Somalia Oo La Shaaciyey

0
51

Wadahadalada Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa maalinta isniinta ah ee todobaadkan ka furmaya magaalada Ankara ee caasimadda Turkey.

Wafdiga Soomaaliya oo wasiirka arrimaha Dibaddu hoggaaminayo ayaa gaadhay waddankaasi.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey oo shalay hadlay ayaa sii sheegay natiijada wadahadalada “xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya waxa dhici karta in ay ku soo dhamaato in Itoobiya ka hesho marin baddeed Soomaaliya , Itoobiyana aqoonsanaato Madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya .”

Weli lama sheegin halka Soomaaliya marin biyoodka ka siinayso Ethiopia iyo weliba sababta ay uga soo dabacday go’aankeedii hore ee ahaa in aanay siinayn marin biyood.

 

Wadahadaladan Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa laga soo hormariyay xilligii ballantu ahayd ee September.

Dadka falanqeeya siyaasadda geeska ayaa sheegaya in Ethiopia ku adkaysanayso in ay marin biyoodka ka hesho biyaha Badda cas iyo gacanka Cadmeed halka Soomaaliyana doonayso in ay ka siiso badweynta Hindiya.