Ninka hadalka Wasiirka Arr. Dibedda Turkiga ku farxay, miyaanu cadowga Somaliland ahayn.? 

0
44

Ninka hadalka Wasiirka Arr. Dibedda Turkiga ku farxay, miyaanu cadowga Somaliland ahayn.?

Somaliland rag baa intaa jabkeeda fagaarayaasha kaga hadla oo maalin walba halka uu u arko inay u liidato oo ay ka dhimanayso ku dhufta.

 

Waxaan ogaa in rag masuuliyiin ah oo dalka hoggaankiisa uu hunguri kaga jiro ay lahaayeen “Ciidankii waa la jebiyay ee qirta” oo xisbi horjooge ka ah doorashada u taagan.

 

Maantana taageerayaashii xisbigaasi waxay ku damaashaadayaan in dawladda Turkiga ay kala tuurtay MOU-gii Ethiopia iyo Somaliland.

 

Anigoo garan kara in wax cusubi aanu soo kordhin hadalka ninkaa, haddana waxaan is weydiin lahaa ma kuwii mashxaradi lahaa baa, mise waa muwaadiniintii ka dhiidhiyi lahaa hagardaamo kasta oo qarankan soo gaadha.

 

Anigu waxaan leeyahay shacbiga reer Somaliland ha ka fiirsadeen cidda ay dalkan u dooran lahaayeen oo yaanay cod siin xisbiga qarankan cadowgiisa mar la farxa, marna la cadhooda.

 

Waxaan leeyahay ” ha dooranina kuwii shalay Cabdirisaaq Khaliif iyo huwanta la jaalka ahaa oo ha ku kadmina kama sokeeyaan kuwa in qarankani dumo ku riyooda ee inala doonaaya inaynu dib ugu dhacno godkii Lixdankiiyee.!!

………..

Waxa qoray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta JSL.

Mustafe Isse