Gaza Oo Xaalad Adag Ku Waa Beriisatay Iyo Wararkii U Dambeeyey

0
70

Gaza Oo Xaalad Adag Ku Waa Beriisatay

Duqeymo cusub oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa lagu beegsaday Marinka Gaza, sida Khan Younis oo ku yaalla koonfurta, xerada qaxootiga ee Bureij oo ku taal bartamaha, iyo magaalada Qaza oo ku taalla waqooyiga gobolka, sida uu ku soo warramayo wariyaha Aljazeera ee dhulka.

 

Ciidamada Israa’iil ayaa rasaas nool nool ku furay gaari ambalaas ah oo lagu daadgureynayay qof dhaawac ah koonfurta Khan Younis, halkaas oo duulaanka dhimashada badan ay ku qaadeen ciidamada Israa’iil uu ku sii fidayo.