Xil Gudasho La,aanka Golaha Wakiilada Iyo Dhaliilaha Dul Hoganaya

0
101

Golaha wakiilada somaliland oo ku guda jira kafadhigii 8 aad loogana baahan yahay inay si hufan u qabtaan shaqada qaranka ee loo doortay, ayaa maalmihii u dambeeyey fadhiyadoodu u furmi la,yihiin kooram la,aan bilaa sabab ah.

Qoddobka 16 aad ee xeer hoosaadka Gollaha Wakiiladda Somaliland ayaa u muuqda mid lagu tuntay maadaama uu mudanayaasha ku waajibinayo inay soo xaadiraan gollaha sideeda subaxnino, taasina ay meesha ka baxday oo golohoodu kooram la,aan u furi layahay maalin walba, tan iyo intii la soo doortay.

Maanta oo u dambaysay ayaa fadhigii golaha wakiiladu u furmi waayey koram nla,aan, waxaana xaadiriska alagu sheegay inay fasax ama hawlo shaqo ku maqan yihgiin xildhgibaanno koob an, halka ay intada badan mudaneyaashu ku maqnaayeen bhilaa fasax ama cudur daar la,aan, taas ka hor imanaysa shuruucda dalka iyo waajibaad loo doortay.

kalfadhi kasta oo golaha wakiilada somaliland yeelanayaan waxa waajib ah inay ka fadhiistaan ugu yaraan 20 fadhi, marka laga eego in looga bahan yahay golahaasi todobaadkiiba inay sadex ama afar fadhi ka yeeshaan, kalfadhiguna ku dhamaado laba ama sadex bilood, balse taas ayaa meesha ka baxday, waxaanay golaha wakiiladu kalfadhigan sideedaad ka fadhiisteen maalmo kooban, taas ka hor imanaysa waajibaadkii iyo hawlihii qaranka ee loo doortay xildhiaanada golaha wakiilada oo u muuqda kuwo dayacay.

muran xoogan oo u dhexeeya xukuumadda iyo golaha wakiilada somaliland ayaa sababay in uu furmi waayo fadhiga golahaasi, ka dib markii ay isku qabteen miisaanayad sanadeedka 2024 ka, taas oo qaabkii ay xukuumadu u soo diyaarisay ay wax ka bedeleen golaha wakiiladu ka dib markii ay ansixiyeenna dib ugu soo celiyey madaxweynaha somaliland, sababtayna khilaaf xoogan oo shaqadii golaha wakiiladu inay socon waydo oo dayacanto.

Qodobka 50 aad ee distoorka Jamhuuriyadda somaliland faqradiisa sadddexaad oo ka hadalaya sababta uu mudanuhu xilka ku waayi karo ayaa u dhogan sidan “in uu jabo shardi kamida shuruidihii lagu soo doortay ama uu gudan waayo xilkiisa” waana sida hadda socota ee xil gudasho la,aata ah.

sidoo kale Qodobka 50aad faqradiisa shanaad ee distoorka Jamhuuriyadda somaliland oo qeexaya waxyaabaha uu xildhibaanku xilka ku waayi karo ayaa waxa ka mid ah “In uu ka maqnaado 20 fadhi oo isku xiga Cudur daar la,aan” waxaana jira in ay xildhibaano badan hadda ku maqan yihiin cudur daar la,aan.

Geesta kale qodobka 53 ee Distroorka Somaliland faqradiisa shanaad waxay sheegaysaa in Golaha wakiiladu xukumada u gudbiyaan talooyin iyo tilmaamo ku sahabsan hogaaminta dalka, taas oo aan marna la arag xildhibaanada ama golahaas oo talooyin u gudbinaya xukuumadda marka laga yimaado xildhibaanada oo warbaahinta u mariya talooyin iyo dhaliilo is huwan.

Kala dirida golaha wakiilada Qodobka 56 aad faqrafiisa koowaad ee distoorka jamhuuriyadda somaliland, waxa uu sheegaya sabaha loo kala diri karo golaha wakiilada iyo cidda awoodda u leh inay kala dirto, waxaanuu u dhigan yahay sidan

“Golaha wakiilada waxa la kala diri karaa

  1. Marka uu fadhiisan waayo laba kal fadhi oo caadi ah oo isku xiga , iyadoo aanay keenin duruuf awoodooda ka baxsan .

sido kale Qodobka 56 aad faqradiisa afraad ee distoorka Jamhuuriyadda somaliland waxa uu sheegaya sidan “Golaha wakiilada waxa kala diri kara madaxweynaha kadib marka la qabto afti qaran oo ay qaban-qaabiso maxkamada sare ee dastuuriga ah , ama ay soo jeediyaan 3/1 meel Golaha wakiiladu isla markaana ay ogolaadaaan saddex meeloodoow laba meelood”

Hadbada golaha wakiilada somaliland oo in muddo ah u furmi, la kooram la,aan, ayaa waxa kale oo saamayn xogan ku yeeshay siyaasadda iyo loolanka xisbiyada iyo ururrada, taas oo ilwsiisay shaqadii qaranka ay u hayeen, waxaana hadda majaraha u haya isbahaysiga mucaaraidka, kuwaas oo xukuumadda ku caaadinaya muranka dhinaca miisaaniyadda kala dhexeeya.

shir guddoonka golaha wkaiilada ayaa looga baahan yahay inay majaraha u qabtaan maamulka golaha oo ay kula xisaabtamaan xeer hoosaadka golaha Xidhibaanada, isla markaana ay tallaabo ka qaadaan xildhibaanada shaqadooda gudan waaya, si ay u kala socdaan hawlaha qaranka ee horyaalla iyo shaqada loo soo doortay xildhibaanada, iyada oo xildhibaanadana looga baahan yahay inay danta shaqsiga ah ka horu mariyaan ta qaranka soona xaadiraan fadhiyada oo ay si habsami ah u qabtaan waajibaadka loo doortay ee ay qaranka masuulka uga yihiin.