Shirkadda Telesom Oo Dalka Keentay Finerka Internetka Oo Casri Ah

0
89

News24 updates Mid ka mid ah Maraakiibta jiida Xadhkaha Internet-ka (Viper Optic Cables) ayaa Xalay soo istaagay Xeebta dhaw ee Berbera, halkaas oo uu soo gaadhsiiyay Xadhiga Internet-ka G2A (Gulf to Africa) Xadhigaasi oo ay dalka keentay shirkadda Telesom.

 

Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom oo dhawr mar oo hore dawladda Somaliland ka hor istaagtay in ay dalka keenaan Xadhigan internet-ka ayaa ku hawlan dhismaha xarun wayn oo qaybisa Internet-ka xawaaraha badan ee loo yaqaano (Viper optic Cable) Xaruntaasi oo ay ka dhistay Magaalada Berbera, awoodda xadhigan ayaa u qaybsami karta dalalka gobolka ee u baahan Internet awood leh.

 

Xadhiga G2A waa kii Saddexaad ee caalami ah ee soo gaadha Magaalada Berbera.