Taliyaha hoggaamiya taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka Oo Oraan Ka Digay Iyo Xaaladda Bariga Dhexe

0
45

UPDATE: Taliyaha hoggaamiya taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka , Jen. Michael Kurilla ayaa lagu warramaya inuu Congress-ka la wadaagay warbixin la xiriirta xiisadda Bariga dhexe iyo halista ka imaan karta Iran.

 

Jen.Kurilla ayaa sheegay in wax soo saarka Iran ee 60% ee uranium-ka aadka loo xoojiyey uu kor u kacay 39% sannadkii hore, taaso ku filan in loo beddelo hubka nukliyeer, wuxuu caddeeyay haddii ay Iran soo saarto hubkaa inay beddeli doonto xaaladda bariga dhexe, isagoo halis kale ku sheegay iskaashiga ka dhexeeya Iran, Ruushka iyo Shiinaha oo hadda isku beddelay mid dhab ah oo ay ku dhisayaan difaac wadajir ah.

 

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Iran ee Shahed “mid ka mid ah khataraha ugu sarreeya” waxay weerarro ka gaysan karaan 2000 km, ayuu yiri. Isagoo ka hadlaya xaaladda Ciraaq iyo Suuriya , wuxuu sheegay in hadda ay jirto habab kumeel-gaar ah oo lagu joojiyay weerarrada, balse xilli walba ay suragal tahay in la weerarro saldhigyada Mareykanka , arrinta kale ee warbaahinta ka soo bandhigtay warbixintan ayaa ah Jen.Kurilla inuusan qarin inay ku dhibtoonayaan helitaanka bartilmaameedyada dhabta ah ee saldhigyada iyo goobaha lagu diyaariyo hubka Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran.