Waxaa la dhagax dhigay billowga Dugsiga sare ee Hooyga Jigjiga oo sanad walba ay ku xaroon doonaan 1000 arday.

0
37
  • Waxaa la dhagax dhigay billowga Dugsiga sare ee Hooyga Jigjiga oo sanad walba ay ku xaroon doonaan 1000 arday.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada JDFI, Dr. Birhaanu Nega ayaa dhagax dhigay dugsigani hooyga oo ay hirgalinayso hay’adda Menschen für Menschen oo laga leeyahay Wadanka Germalka.

 

Dugsigani oo lagusoo gaba’gabayn doono wax kayar sanad sida qorshuhu yahay ayaa lagusoo xarayn doonaa ardayda keenta dhibcaha sare ee fasalka 8aad ee u gudbaysa dugsiga sare si tayada waxbarashada kor loogu qaado.

 

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in dugsigani door weyn ka qaadan doono tayeynta waxbarashada uuna qayb kayahay daddaalada ay xukuumaddu ugu jirto jihada cusub ee lagu kordhinayo laguna tayaynayo dugsiyada bixiya adeegga waxbarasho

 

Waxaa xusid mudan in hay’adani ay deegaanka kawado mashaariico horumarineed oo ay kamid yihiin dugsiyo kale oo waxbarasho oo dhismahoodu meel wanaagsan marayaan kaddib xidhiidho ay Xukuumadda Deegaanka Soomaalidu la samaysay; Dugsigani ayaana wax weyn katari doona baahida waxbarasho ee kajirta caasimadda Jigjiga oo kobac bulsho oo ballaadhan samaynaysa tan iyo isbaddalkii kaddib.