Dawladda Turkiga ayaa meesha ka saartay in heshiiskii ay la gashay kooxda Xasan sheerkh uu la xidhiidho khilaafka Ethiopia iyo Muqadisho 

0
65

Dawladda Turkiga ayaa meesha ka saartay in heshiiskii ay la gashay kooxda Xasan sheerkh uu la xidhiidho khilaafka Ethiopia iyo Muqadisho

Qoraal 21/02/2024 ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibada turkiga ayaa lagu sheegay in heshiiska ay dawlada turkigu la gashay soomaaliya uu yahay mid ku wajahan dhanka budhcad-badeeda iyo argagixisada.

 

Sidoo kale waxa uu qoraalku intaasi ku daray in heshiiskani aanu wax faro-gelin ah ku lahayn xaalada imika taagan ee ka dhaxaysa dawlada Ethiopia iyo kooxda Xamar.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Turkey-gu waxa ay qoraalkan ku cadaysay in Ethiopia ay qiime wayn ugu fadhido xidhiidhka dhaqaale, ganacsi iyo iskaashiga milatari ee dawladoodu la leedahay afirca, taasi oo ay intaa ku dareen in ay sii wadi doonaan dhirigelinta xidhiidhkooda soo jireenka ahaa ee u dhaxeeya Ethiopia iyo Turkiga .

 

Dhinaca kale isla shalay ayaa Xasan sheekh shir-jaraaid oo uu ku qabtay muqadisho si wayn ula xidhiiidhiyey in heshiiskaasi uu ka dhashay kii ay wada-galeen eithopia iyo Somaliland.