Maxkamadda gobolka Banaadir oo soo gabagabeysay Fadhiga koowaad ee dhageysiga dacwada eedeysane Sayid Cali

0
75

Maxkamadda gobolka Banaadir oo soo gabagabeysay Fadhiga koowaad ee dhageysiga dacwada eedeysane Sayid Cali

Muqdisho, February, 21, 2024 – Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa soo gabagabeysay fadhiga koowaad ee dhageysiga dacwada loo haysto eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud, oo ku eedeyaan inuu gubay xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis.

 

Fadhiga koowaad ee Maxkamada ayaa maanta waxaa soo xaadiray labada dhinac ee dacwada khuseeyso qareeno iyo dadweyne kale.

 

Maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay qaar ka mid ah carruurta ay ka geeriyootay marxuumad Luul Cabdicasiis, kuwaas oo Maxkamadda ka hor sheegay waxyaabahii ay arkeen markii hooyadood ay gubaneysay.

 

Farxiyo Cabdirisaaq oo ka mid ah carruurta Luul oo ah 10 sano jir ayaa si dareen leh uga hadashay dilka hooyadeed Maxkamadda horteeda, waxayna sheegtay inay aragtay hooyadeed oo holceysa.

 

Waxaaney tidhi.“Waxaan arkay hooyo oo banaanka ku holceyso waa naxay waxaan ku cararay qolkii oo sariirta ayaan isku kor kaduuday, kadib waxaa noo yimid ninkii gubay isaga oo dhac dhacayo, hooyo inta aanay dhimana waxay nagu tidhi haddii aan dhinto i cafiya” .

 

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa balamisay fadhiga kale oo xiga fadhigaan koowaad, waxaana dhinacyada la kala siiyay fursad ay kusoo dhameystiraan cadeymaha iyo markhaatiyaasha hadhsan.

 

Kiiskaan maanta bilaawday dhageysigiisa ayaa waxaa si weyn u daneynaya shacabka Soomaaliyeed oo ka cadhooday falkii lagu gubay Luul Cabdicasiis, oo ahayd hooyo dhashay 6 caruur ah, islamarkaana caloosha ku siday ilmaheedii todobaad, waxaana xusid mudan inaan wali la aasin marxuumada oo meydkeeda uu ku jiro Firinjeer, iyadoo qoyskeedana ay sheegeen in isku mar la aasi doono marxuumada iyo ninka dilay.