Xildhibaano Shaki ka galay codeyntii ay saaka dhiibteen.

0
52

Xildhibaano Shaki ka galay codeyntii ay saaka dhiibteen.

Xildhibaan Maxamuud Xareer Rooble iyo xildhibaan Daahir Cali Jaamac, oo ka mid ahaa 66-kii xildhibaan ee codka kalsoonida siiyay Xeerarka isa-saarka doorashooyinka, saaka, ayaa sicad uga hor yimid codadkii ay kalsoonida ku dhibteen.

 

Labadan xildhibaan oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, isla markaana ka mid ah mudaneyaashi saaka u codeeyay xeerarkii 7 cisho golahpoda horyaalay, ayaa fagaare isla soo taagey in ay xeerkaas ka soo horjeedaan.

 

Xildhibaan Xareed, ayaa qiil ka dhigtay in aanu miyirkiisu joogin wakhtigii uu codeynayay, halka xildhibaanka kale ee ka soo muuqaday goobtii ay ku hadleen eiyaasiyiintii iyo xildhibaanadiii xeerkan diidana, uu isna ku dooday in uu si lama filaana uga soo muuqday Isha-kamarada, iyo in aan loo akhriyin nuxurka qodobada xeerarkan.

 

Taas badelkeeda guddoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa intii aan xeerarkaas la ansixin golaha la wadaagey in xeerarka golaha horyaala lagu ansixin doono sida ay golaha ugu soo gudbiyeen guddidi labada gole u saareen naaqishada xeerarkan.

 

Dadka arrimaha siyaasada faaqida ayaa ku doodaya in fariinta xildhibaanadani ay tahay mid cimri dherer looga dhigayo dib u dhaca doorashooyinka iyo in uu sii jiitamo khilaadkii xalkiisa u helistiisa mudada badan lagu raagey.

 

Xeerarkan ayaa roobabkii Gu’gu ay biyo dhigeen, beelaha Somaliland qaarkoodna buuraha saaray, dadna ay ku dhinteen kuwa dhaawacmo booga dhaygoodu muddo qaatay uu dhaxalsiiy, balse markii odayaasha bariga Burco ay arintaas galeen kadib dib loo soo daabacay.

 

Haddaba haddii ay xaalada carta iyo wirta xeerarku sidan ku sii socoto muxu noqon doona mustaqbalka JSL, ee aan cagaha badan ku taagnini.