Gudoomiye Xirsi Oo Sheegay Inuu Dalka Kusoo Waajahan Yahay

0
50

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ku soo laabanaya Magaalada Hargeysa ka dib muddo uu safar ugu maqnaa Dalka Ingiriiska, Gudoomiye Xirsi ayaa qoraal uu arrinkaas kaga hadlay ku yidhi,

 

“Waxa aan saaka safar u soo ahay dalkii hooyo, ka dib muddo aan arrimo gaar ah, kuwo shaqada xisbiga la xidhiidha iyo kuwo Qaranka ahba aan u joogay dalka Ingiriiska, kuwaas oo dhammaantood guul ku soo dhammaaday.

 

Waxa aan guud ahaan bulshada Somaliland ugu baaqayaa wadajir iyo midnimo aniga oo ku boorrinaya in loo diyaargaroobo doorashooyinka astaysan iyo isbeddelka khayrka qaba ee inoo soo socda.”