WAR-KA SOO BAXAY BANGIGA DHAXE SOMALILAND 

0
54

WAR-KA SOO BAXAY BANGIGA DHAXE SOMALILAND

Baanka Dhexe ee JSL Hargeisa: 25.01.2024

Kulan Soo dhawayn iyo Xogsiin shirkadda CHAPA Financial Technologies.

Guddoomiyaha baanka dhexe Dr. Cali c/laahi dahir, Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe Mr. C/raxmaan Maxamed C/laahi, iyo Qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyadda Baanka Dhexe ee JSL ayaa kulan kula yeeshay Xarunta Guud Ee Baanka Dhexe Galabta madax sare oo ka socotay shirkadda CHAPA Financial Technologies oo laga leeyahay wadanka itoobiya, wafdigan oo uu Hogaaminayay Mulkiilaha Faaco holding company Mr. Farxaan Xaaji Cali Axmed oo ka koobnaa Guddoomiyaha Guud ee CHAPA Mr. Tesfaye Hailemichael iyo Maareeyaha Guud ee Shirkaddaas Mr. Nael hailemariam.

Ujeedada kulanka ayaa Daarnaa sidii ay Shirkaddani Xarun Uga Furan Lahayd Dalka. Ugu Horayn Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee JSL ayaa soo Dhaweeyay Madaxda iyo Hawl-Wadeenadda Shirkaddan Ka Socday, Isaga Oo Uga Waramay Xaaladda Guud Ee Hay’addaha Maaliyadda Iyo Fursadaaha Maalgashi ee Dalka Ka Jira.

Dhinaca kale Madaxda Shirkadda CHAPA ayaa Iyaguna Dhankooda ka waramay sida ay U Danaynayaan in ay Maal-Gashadaan Dalka iyaga oo uga Mahadnaqay Madaxda Sare ee Baanka Soo Dhawaynta ay u Sameeyeen Iyo Xogta Ay Ka Siiyeen Xaaladda Suuqyadda Dhaqalaaha Iyo Maaliyadda Ee Dalka Iyo Fursaddaha Ka Banaan.

Ugu dambayn waxa uu kulankaasi oo ku soo dhamaaday Is-Af-Garad, Dhamaanba Qodobadii Laga Wada Hadlay.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha ee Baanka Dhexe