Raysal Wasaare Xamse Oo Furay Xarun Cusub Oo

0
55

Muqdisho, Janaayo 24, 2024: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dib-u-howlgelinta Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho oo ay maalgeliso Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Isbitaalka Sheikh Zayid ayaa uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta doorka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalka.