Xuska Maalinta Aasaaska Dawladda Deegaanka Soomaalida

0
59

Xuska Maalinta Aasaaska Dawladda Deegaanka Soomaalid

 

23ka January 1993dii ayay aheyd maalinkii si rasmi ah loo aasaasay Dawladda Deegaanka Soomaalida lana doortay Madaxweynihii ugu horeeyay ee Deegaanka alle ha naxariistee Mudane Cabdullahi Maxamed Sacdi. Waxaa maalinka bari ah, markii ugu horeeysay, la xusi doonaa sanad-guuradii 31aad ee Aasaaska Deegaanka.

 

Natiijada ugu wayn ee laga dhaxlay aasaaska Deegaanka ayaa ah in dadkii Soomaalida ahaa ee ku kala firidhsanaa gobolo kala duwan oo dalka ahaa ay wada hoos yimaadaan hal deegaan oo sidoo kale ay ismaamul (dhab ahba yuuna ahaane) helaan, luuqadooda iyo dhaqankoodana ku ilaashadaan.

 

31kaa sano wax badan oon la mahadina way ku dhaceen shacabka deegaanka oo ay ka mid yihiin xaqiraad, xasuuq, iyo xadgudubyo xanuun badan ku reebay quluubtooda.

 

Ujeeddada xuska maalinka aasaaska deegaanku waa in dib loo milicsado taariikhdii la soo maray ee shacabka (tu wanaagsan iyo tu xunba), lagana barto cashiradii lagu mareeyn durruufaha maanta iyo wixii iman kara mustaqbalka. Mid kamid ah cashiradda aan ka baranay sooyaalkii 31kii sano ee aan soo marnay ahaa ah ahmiyadda ay leedahay midnimadda shacabka deegaanku.

 

Xuska maalinka deegaanku waxay xooga saaraysa ku middeeynta shacabka deegaanka magac, astaan, iyo masiir ay wadaagaan oo ay iyadoo mideeysan wax kula qabsadaan qowmiyadaha kale ee dalka.

 

Maanta waxa inoo yaalaa waa inaan nabada, xorriyadda, iyo horumarka sii xoojino, bulsho ahaana la nimaadno xikmadii iyo kartidii aan ku gaadhi lahayn himilooyinkeena. Aqlabiyadda shacabkeenu ma rabaan inay soo laabmaan cabudhiskii, cagajugeeyntii iyo cidhiidhiigii la soo maray. Waxay rabaan in waxay maanta haystaan wax ku sii darsadaan oo wixii hagaagsanna la sii xoojiyo, wixii aan hagaagsanaynna la hagaajiyo. In yar oo qayb ka aheyd hagardaameeyntii shacabkuna waxay jlba-joog ku sugayaan inay soo laabato bay’addii ay la jaan-qaadi lahaayeen ee ay af-yaqaaneen oo ah in shacabkooda oo la dhibaateeynayo ay jeedalka u qaataan.

 

Marka aan xusayno Sanad-guuradda sanadkan, aan taageerno wixii horay inoo wadaya, aan ka fogaano wixii dib inoo celinya.

 

Wabilaahi tawfiik!

 

Qoralkan waxaa qoray Madaxweyne Mustafa Omer