Xisbiga WADDANI oo si adag uga soo horjeedsaday xeerka doorashooyinka ee uu madaxweynuhu dib u celiyay

0
53

Xisbiga WADDANI oo si adag uga soo horjeedsaday xeerka doorashooyinka ee uu madaxweynuhu dib u celiyay

Hargeysa, January, 22, 2024 – Xisbiga WADDANI, ayaa si wayn uga soo horjeedsaday xeerka doorashooyinka oo uu madaxweynuhu dib ugu celiyay Golaha Guurtida.

 

Afhayeenka Xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi, oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wax naadir ah ku tilmaamay in madaxweynuhu uu xeerka dib u celiyo.

 

Waxaanu yidhi. “Wax aan 32 sanno oo Somaliland jirtay aan dhicin ayaa maanta dhacay, in xeer uu madaxweynuhu u gudbiyo golle guurti, waxay ku tusaysa dalkeenii maanta halkuu marayo, xisbi ahaan jawaab adag iyo hawl deg deg ah, ayaanu ka gali doonaa dhayalsanmayno”

 

Waxa uu ku goodiyay in axsaabta mucaaradku ay in badan u dulqaateen madaxweynaha, isla markaana ay sharciga dhawreen, lakiin anay hada kadib dulqaadan doonin.

 

“Anagu dowlad ayaanu dowlad ka dul dhisaynaa ku odhan maayo, lakiin sharciga Somaliland ayaanu si sandule ah ugu soo celin doonaa, oo aan baryo danbe lahayn, oo aan dulqaad danbe lahayn”Ayuu yidhi Afhayeen Farax.

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Golaha Guurtida dib ugu celiyay xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr 91, kadib markii uu golaha wakiiladu meesha ka saaray wax ka badal guurtidu ay xeerka ku sameeyeen.