Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo loogu hanjabay Maamus ka xayuubin hadii Xeerarkii Doorashoyinka dib ugu soo celiyo Golaha Guurtida.

0
49

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo loogu hanjabay Maamus ka xayuubin hadii Xeerarkii Doorashoyinka dib ugu soo celiyo Golaha Guurtida.

Xildhibaan Jaamac Caanoboodhe oo ka tirsan Ururka Kaah kana mid ah Xildhibaanada Isbahaysiga Mucaaridka ayaa sheegay in golahooda ay u taal in Maamus ka xayuubin golahoodu ku soo oogo Madaxweyne Muuse Biixi wax intaas ka badana aan la sii eegan karin Xildhibaanka ayaa yidhi,

 

“Gudoomiye Saleebaan shalay wuxuu cadeeyey in xeerkii isasaarku dhaqan gal yahay oo iyaga dhaafay hadii ay run tahay in uu ka daba tegey xeerkaa waxaa cad in xalay odayga madaxtooyada lagaga soo gudey.

 

Jawaabta qudha ee u taala golaha wakiilada ee

uu arrintaa sharci jebinta ah kaga jawaabayaa

waa inaanu mamuus ka xayuubin ku soo oogno madaxweyne muuse wax intaa ka badan ma sii eegan karo.

 

Marna taagtaa marna tamartaa.”