Weerarka Israa’iil ee Dimishiq xubnaha Iran ee lagu dilay

0
51

Weerarka Israa’iil ee Dimishiq xubnaha Iran ee lagu dilay ayaa kala ah ; Madaxa laanta sirdoonka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ee Suuriya, Yousef Omidzadeh aka Haj Sadegh, kaaliyahiisa, madaxa warfaafinta IRGC ee Suuriya iyo saddex kale oo ku sugnaa dhismaha ku yaalla bartamaha Dimishiq ee ay Israa’iil duqeysay.

 

Fiiro gaar ah;

 

Israa’iil waxay ka fulisay kaliya muddo toddobaad ah gudaha Suuriya labo howlgal oo ay ku beegsatay saraakiishii ugu sarreeyay ee Ilaalada Kacaanka Iran ka joogtay Suuriya, taa oo tilmaam ka bixinaysa sida ay u joogaan Dimishiq basaasiin awood leh oo la shaqeeya sirdoonka Israa’iil.