Taliyaha Ciidanka Socdaalka S/Guuto: Maxamed Xuseen Farah Xiirane ayaa Dhagax Dhigay dhismaha Rakaabka ee Dekada Berbera (Passenger Terminal).

0
56

Taliyaha Ciidanka Socdaalka S/Guuto: Maxamed Xuseen Farah Xiirane ayaa Dhagax Dhigay dhismaha Rakaabka ee Dekada Berbera (Passenger Terminal).

Dhismahan oo ah mid Cusub oo Laga Hirgalinayo Dekedda Berbera isla Markaana Ay Yeelanayaan Ciidanka Socdaalka Si Loogu Adeego dadka socotada ah ee ka soo dega dhinaca Badda (Dekadda Berbera), iyada oo markii hore rakaabka looso lugeysiin jiray dhanka albaabka oo u ku yaalo xafiiska ciidanka socdaalka laantisa dekadda si loogu adeego dadkaas.

 

Waxa ilaahay mahadii ah in Taliyaha Ciidanka Socdaalku dhagax dhigo halkii ugu haboonayd uguna dhawayd goobaha lagu soo xidho Doonyaha iyo Maraakiibta Sida Rakaabka.

 

Dhismahan oo ka Koobnaan Doonaa: Hool wayn oo leh qaboojiye-yaal, Xafiisyo, Koontarada dhoofitaanka iyo soo degitaanka oo ay Ciidanku ku shaqaynayaan si joogta ahna ay u dhex joogi doonaan.

Waxa kale oo dhismahaas yeelan doona goobihii ay dadka socotada ahi ku nasanayeen inta la hubinayo safarkooda, Suuliyaashii Ragga iyo Dumarka, iyo dhamaan qalabkii lagu shaqayn lahaa haday tahay qalab Xafiis (Furniture) ama computer.

 

Waxaan si gaar ah uga mahad naqaynaa Dawladda USA oo bixisay Kharashka Dhismahan iyo Qalabayntiisa iyo Hay’adda Socdaalka aduunka IOM – UN Migration oo fulinaysa Mashruuca Dhismahan, sidoo kale waxanan marna ilaabaynin DP World oo si hagar la’aan ah noogu diyaarisay goobtii ugu haboonayd ee dhismuhu noqon lahaa iyo Cidkasta oo nagula garab gashay hirgalinta himilada ciidanka socdaalka.