Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan oo Sheegay in aan la soo celinayn Xeerkii Doorashada ee uu iyaga ka Gudbay

0
59

 

Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan oo Sheegay in aan la soo celinayn Xeerkii Doorashada ee uu iyaga ka Gudba

Hargeysa, January, 20, 2024 – Buuq iyo sawaxan ayaa hadheeyay fadhigii saaka ee Golaha Guurtida, kadib markii mudanayaal dalbaday in dib loo soo celiyo Xeerarkii isa saarka Doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in Golaha Guurtida uu ka gudbay xeerkaasi oo aan dib loo soo celin karin, kadibna waxa golaha ka istaadhmay buuq ay xildhibaanno soo jeedinayeen in dib loo soo celiyo xeerka doorashooyinka ee Golaha wakiiladdu dhawaan ku ansixiyeen qaabkii hore ee uu iyaga kaga baxay.

Buuq iyo sawaxan kadib guddoomiye Saleebaan ayaa xidhay fadhigii saaka, mudaneyaashana faray inay bari soo noqdaan haddii ALLE Idmo.