Hargeysa: Saddex Qof oo Muruqmaala ayaa ku dhaawacmay dhismaha Masjidka Rusheeye.

0
54

Hargeysa: Saddex Qof oo Muruqmaala ayaa ku dhaawacmay dhismaha Masjidka Rusheeye

 

Ciidanka Dabdemiska magaalada Hargeysa ayaa maanta ka hawlgalay una gurmaday Saddex Nin oo ay la Go’aday Sakhaalad dhismaha Masaajidka Rusheeye oo ay ka shaqaynayeen.

 

Ciidamada Dabdemiska ayaa si degdeg ah goobtaa u gaadhay, una fidiyay gargaar degdeg ah, waxaana dhawacii gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

 

Saddexda Nin mid ka mida ayaa qabay dhaawac halis ah.

 

Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ka wacyigelinayaa khataraha ay keeni karaan dhismayaashu marka laga shaqaynayo, waana in la dabaqaa nidaamka badbadaada. Laba cisho ka hor magaalada Hargeysa waxaa ciidanka Dabdemisku u gurmadeen nin uu ku soo dumay Masaajid uu ka shaqaynayay.

 

Hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/Somtel.

 

Allaa Mahad leh