Dawladda Itoobiya oo ka Cadhootay Qaraarkii Jaamacadda Carabta shalay kasoo baxay.

0
107

Dawladda Itoobiya oo ka Cadhootay Qaraarkii Jaamacadda Carabta shalay kasoo baxay

 

Adis Ababa: Dawladda Itoobiya ayaa soo saartay go’aan ay ku diidday war-murtiyeedkii ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta, kaddib shir aan caadi ahayn oo dhacay shalay, kuna saabsanaa heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay wadagaleen Itoobiya iyo Somaliland.

 

wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Itoobiya, Mesganu Arega,ayaa hadalka ururka carabta ku tilmaamay “isku day lagu faragelinayo arrimaha gudaha iyo madaxbannaanida Itoobiya.”

 

Danjire Meles Alem, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa ku tilmaamay hadalka Jaamacadda Carabta mid aan la aqbali karin, isagoo caddeeyay in Itoobiya ay diiday.

 

Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Afrikaanku ay awood u leeyihiin inay xalliyaan dhibaatooyinkooda, wuxuuna ku dhaleeceeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda #Masar Sameh Shoukry oo uu ku eedeeyay inuu Itoobiya ku tilmaamay mid khalkhal galinaysa,