“Xadhiga Gudoomiyaha MMTV Mohamed Ilig waxa uu meel ka dhac iyo ceeb ku yahay Dastuurka JSL iyo xeerarka dalka.

0
64

“Xadhiga Gudoomiyaha MMTV Mohamed Ilig waxa uu meel ka dhac iyo ceeb ku yahay Dastuurka JSL iyo xeerarka dalka

 

Dastuurka JSL qodobkiisa 32 farqadiisa 3aad waxay warbaahinta u balanqaadaysaa inay leeyihiin madax banaani ay ka reeban tahay awood kasta oo lagu muquuninaayo,

 

sida uu sheegayo qodobka 4aad farqadiis ( 1,2,3,4) ee xeerka saxaafada Somaliland (xeer Lr. 27/2004) saxafigu waxa uu xaq u leeyahay

1: Ururinta iyo fidinta wararka

2: Bandhigidda fikradaha khuseeya amuuro kala duwan.

3: Shaac-bixinta dhaliilaha ama taageerada ku wajahan amuuro kala duwan ee dalka gudihiisa iyo dibedaba.

4: Ka qaybgalka saamaynta ra’yul caamka dadweynaha, iyagoo isticmaalaya habab kala gedisan.

 

Sida uu sheegayo qodobka 8aad farqadiisa 1aad ee xeerka saxaafada Somaliland (xeer Lr. 27/2004) Suxufiga looma xidhi karo hawlgal saxaafadeed, iyadoo xadhigiisa aanay xalaalayn Maxkamad awood u lihi.

 

sidoo kale xeerka xabsiyada Somaliland (xeer Lr. 65-2014/2017) qodobka 6ad farqada 2aad

waxaa uu xusayaa in saldhigyada booliska iyo xarumaha waaxda dambiyada (CID) ee ciidanka booliska si sharciga waafaqsan loo hayn karo wakhti kooban [48] saacadood

 

Gudoomiye Mohamed Ilig waxaa uu ku xidhan yahay xarunta hy’adda sirdoonka qaranka.

hy’adda sirdoonka qaranku awood uma laha inay haysato maxbuus aan denbi faraha kula jirin, sida ku cad qodobkiisa 8aad faqada (1,2, iyo 3aad) ee xeerka hy’adda sirdoonka qaranka ee (xeer lr. 59/2012)

 

Xukuumada Kulmiye waa markii saddexaad ee ay ku xad gudubto madax banaanida MMTV

waxay xukuumada ka qaaday $10,000 dollar taas oo meelka kaga qornayn dastuurka dalka iyo xeerka saxaafada somaliland

sidoo kale waxay xukuumada Kulmiye hadda ka hor xidhay suxufi ilig iyo weriye Cabdijibaar Maxamed kuwaas oo aan wax dembi ah lagu helin

 

Xukuumada kulmiye ilaa hadda kama hadal xadhiga warbaahinta madax banaan

dadkana uma sheegin heshiiskii qar iska xoorka ahaa ee Somaliland iyo Ethiopia”

 

Ku xigeenka xoghayaha arimaha gudaha ee xisbiga UCID