Lawyacado: Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Djabuuti AMP. Cabdifataax Siciid Axmed ayaa Safar Shaqo ku tagay Magaalo Xuduudeedka Lawyacado

0
69

Lawyacado: Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Djabuuti AMP. Cabdifataax Siciid Axmed ayaa Safar Shaqo ku tagay Magaalo Xuduudeedka Lawyacad.

 

Waxaana halkaasi ku qaabilay Gudoomiyaha Gobolka Salel Mudane Mawliid Maxamed Nuur oo Gudanaya Shaqo-maalmeedkiisa iyo Kor-joogtaynta habsami u socodka Shaqada iyo Xafiisyada ka shaqeeya Isku-socodka labada Dal.

 

Masuuliyiintan oo si wada jir ah u soo kormeeray Xafiisyada Shaqada, hannaanka ay u socoto iyo sida loogu adeegayo Dadka muwaadiniinta ah ee Labada Dal.

 

Ugu dambayn Gudoomiyaha Gobolka Salel Mudane mawliid Maxamed Nuur iyo Amp. Cabdifataax Siciid Axmed ayaa Shaqaalaha ku amaanay sida ay u gudanayaan Shaqadooda ee ay heeganka ugu yihiin Laamaha ay khusayso ee Laanta Socdaalka iyo Kastamka iyagoo Ku dhiiri-galiyey inay halkaa ka sii wadaan Dadaalka iyo shaqada.