Golaha iskaashiga xisbiyada siyaasadda Itoobiya ayaa si wada jir ah u taageeray heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland

0
74

Golaha iskaashiga xisbiyada siyaasadda Itoobiya ayaa si wada jir ah u taageeray heshiiskii Itoobiya iyo Somalilan, ka dib markii ay dib u eegis ku sameeyeen shirwaynahoodii maanta‼️

 

War-murtiyeed ay maanta soo saareen golaha iskaashiga xisbiyada siyaasadda Itoobiya ayaa lagu yidhi,👇

 

“Anagoo ah Golaha Isku-dhafka Xisbiyada Siyaasada Itoobiya, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Dir – 2016, waxaanu magaalada Addis Ababa ku qabsannay shirkii guud ee xisbiyada siyaasadda, waxaanu ka soo saarnay laba qodob.

 

  1. Ka dib markii aanu ka wada hadalnay qaab dhismeedka heshiiska is-afgaradka ah ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxeexdeen, isla markaana aanu aragnay nuxurka uu xambaarsan yahay iyo fursadaha iyo khataraha la xidhiidha heshiiskaas, waxaanu xaqiijinay in aanu si buuxda u taageerno heshiiskaas.

 

Waxaan si faahfaahsan uga wada hadalnay khataraha gudaha iyo dibadda iyo fursadaha jira ee ku aaddan dhaqangelintiisa, waxaan marlabaad xaqiijineynaa in ay naga go’an tahay in aan gudanno doorkeena, oo aan u wada istaagno ka midho-dhalinta heshiiska. Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda, xisbiyada siyaasada iyo dhamaan bulshadeena inay doorkooda si wanaagsan u gutaan.

 

  1. Ka dib markii aanu falanqeynay warbixintii iyo sharaxaadii ay bixiyeen guddiga wada tashiga qaran, caqabadaha hortaagan iyo doorka ay xisbiyada siyaasadu ku leeyihiin jiheynta xalinta, waxaanu isla garanay in la sii wado xalinta qodobada caqabada ku ah taabo galka wada tashi iyo xoojinta dhamaan taageerada lagama maarmaanka ah.

 

Waxaanu dhamaan xisbiyada siyaasadda ee dalkeena ugu baaqaynaa inay ka soo qaybgalaan geeddi-socodka. Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa xukuumada, axsaabta siyaasada iyo dhamaan shacabkeena in ay ka wada shaqeeyaan xalinta dhibaatada amni darrada ah ee caqabadda ku ah in lagu guuleysto hawshii guddiga wadatashiga qaranka”. Golaha Wadajirka ee Xisbiyada Siyaasadda Itoobiya Addis Ababa

 

In kasta oo qodobka 69-aad ee xeerka marinka badaha Qaramada Midoobay uu dhigayo in dalalka aan lahayn albaab badeed ay xaq u leeyihiin in ay adeegsadaan dekedda ugu dhow, haddana Dad badan ayaa wali ka mudaaharadaya oo muujinaya dareenkooda.