Dawlada Jabuuti Oo Shir Lagaga Arinsanayo Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya Iskugu Yeedhay Madaxda Urur Goboleedka IGAD

0
60

Dawlada Jabuuti Oo Shir Lagaga Arinsanayo Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya Iskugu Yeedhay Madaxda Urur Goboleedka IGA

JABUUTI()-Qoraal kasoo baxay Dalka Jabuuti oo ah shir-guddoonka Urur Goboleedka IGAD ayaa Wadamada Ururkaasi ugu baaqday in ay shir degdeg ah oo looga arrinsanayo xaaladda ka dhex aloosan Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya Kaasi oo ka dhashay Heshiiskii Ay wada gaadheen Somaliland Iyo Itoobiya ee ka dhacay Magaalada Addis Ababa.

Sidoo kale Qoraalka kazoo Baxay Dalka ayaa lagu sheegay sida loogu baahan yahay in waddamada xubnaha ka ah IGAD oo ay ku jiraan Dalalka xiisadda ka dhex taagan tahay ee Soomaaliya & Itoobiya ay u yeeshaan fadhi gaar ah oo xiisadda hoos loogu dejinayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in kaddib markii wadatashi dheer uu la yeeshay Dhiggiisa Uganda Yoweri Musevani laga maarmi waayay kulankaan oo xal u noqon kara xiisadda Geeska Afrika ka jirta.

Shirkan Ay Dawlada Jabuuti Iclaamisay Ayaa ka dhici doona 18-ka bishan dalka Uganda ayaa looga jawaabayaa baaqii Soomaaliya ee ahaa in wadamada IGAD kulan ay ka yeeshaan heshiiska Somaliland iyo Itoobiya. Kaasi oo dalalka geeska Africa ku kala aragti duwanaadeen islamarkaana ay ka gaabsadeen qaarkood baaqa maamulka somaliya oo iyagu saska qaaday hesiiskan islamarkaana tan iyo intii uu dhacay heshiiska Somaliland iyo itoobiya warbaahinta si toos ah weerar Afka Uga Jeedinayay dalka itoobiya, iyagoo dhanka kale iskaga aragti noqday kooxda argagixisada Alshabaab ee somaliya ka dagaalanta iyo maamulka xasan sheikh maxamuud.

Itoobiya ayaa 1, bisha jeenawari 2024 waxa ay heshiis la gashay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kaasi oo ay kala sexeexdeen Raysalwasaare Abiye Ahmed Iyo Madaxwayne Biixi kaasi oo ahaa mid taariikhiya oo labada dal isla gaadheen in itoobiya laga kireeyo bada Somaliland halka itoobiyana ay shaacisay in ay Somaliland u aqoonsan doonto dal madaxbanaan.