Somaliland Iyo Qaramada Midoobay Oo Hargaisa Ku Shiray Iyo Ujeedada

0
56

somaliland Iyo Qaramada Midoobay Oo Hargaisa Ku Shiray Iyo Ujeedada

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Axmed Diiriye (Toorno) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa xafiiska isku-xidhka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland mr Simon Strachan.

 

Ujeedka kulankan ayaa iskugu jiray dhawr arimood, waxaana ugu muhiimsanaa is xog waraysi hawlaha shaqo ee dhanka horumarka ee ay qaramada midoobay ka taageerayaan wadanka iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya Wasaaradda Qorshaynta iyo Xafiiska isku xidhka qaramda midoobay ee Somaliland.

 

Kulankan ayaa ahaa mid hordhac u ah kulan wada-tashi oo ay ku kulmi donaan Madaxda Wasaaradda Qorshaynta, Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Qaramada Midoobay oo lagaga arrinsan doonaa sidii haayadaha Qaramada Midoobay iyo Caalamiga ah ay qayb uga noqon lahaayeen fulinta iyo hir gelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad.