Qoladii BEDEL BEDEL xaafadaha ka dhex odhan jirtay way soo dhaafeen maryihii iyo weelkii

0
55

Kiisaska Cusub .

Bulshadu ha baraarugto ayaan ula wadaagayaa .

Qoladii BEDEL BEDEL xaafadaha ka dhex odhan jirtay way soo dhaafeen maryihii iyo weelkii .

Gabadh ka mida qoysaska magaalada Hargaysa degan iyo dumar la socda ayaa ii yimi oo talo dhanka sharcigaa isoo biday waxa ay iiga sheekeeyeen sheekadan oo aan idan uga qaatay inaan baahin karo si bulshadu uga digtoonaato .

Aan soo koobo .

Gabadhani waxay igu tidhi mid ka mida qolooyinkan Ethiopia ka ah ee xaafadah BADEL BADEL ka dhex gura ee dharka iyo alaabada isku bedela oo dhawr jeer oo horena aan alaab kaga badeshay maryo duuga oo aan wajigiisa si fiican u aqaano ayaa maalin dhaweyd gurigayga iigu yimi isaga oo kaaryoonkiisii riixanaya sidii caadada u ahayd waxa uu i weydiiyay inaan hayo wax uu iigu badelo caagag uu siday , waxaan sii xasuustaa markaan ku idhi i sug ee aan gurigaygii dib ugu noqday ileen waxaan soo qaaday bii keestii dahabku iigu jiray oo aan u dhiibay isna intuu qaatay ayuu iska tagay cabaar markii laga soo wareegay ayuunbaa la iga go’ay sidii qof hurdo ka soo kacay oo riyoonayay gartay in wax iga qaldameen shaydaanka iska naaray dhawr jeer , sidaan maskaxda wax isaga waywaydiinayay ayaan guriga ku noqday arkay inaan dhacanahay oo la i qataaray qaylo ka bacdi jaarkii ayaa igu soo yaacay naa sidee wax u jiraan ?

Waan u waramay ninkii la garay meelahan la yaac yaac ilaa habeenkii la soo waa , mudo shan cisho ah aniga iyo dumarkan ila socdaa meel aanan marin magaalada Hargaysa ma jirto .

Hadaba garyaqaan ninkaa sidee loo soo qaban karaa ?
Waxaan weydiiyay halkee loogu hagaagaya ee laga soo qabanayaa ? Garan mayno ,

Wax astaana ama sawira oo police ka lala wadaago oo lagu raadiyo ma helaysaan ? Maya , hadaanu aragno ayuunbaanu garanynaa .

Taleefan mar uun aad lacag ugu dirteen oo laga tix raacaa ma jiraa hadaad macaamil hore lahaydeen ? Maya nimankaasi lacagba ma qaatan alaab ayuunbay alaab kugu bedelayaan .

Wixii talo ah ee kale ee ii muuqatay uun horta siiyay waraysigayagu waa dheeraye .

Fg. Hooy bulshoy idhaa kala qaad magaalada dadka joogaa wuu dhaafay afartii qof ee is garanaysay ee meesha loo raco lahayde .