“Waxaan u baahanahay inaan dhisno dawlad Falastiini ah oo madax bannaan.”

0
52

UPDATE: Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Blinken markii uu ka tagay Turkiga , wuxuu sheegay ; “Waxaan u baahanahay inaan dhisno dawlad Falastiini ah oo madax bannaan.”

 

Turkiye kaddib, Blinken wuxuu booqan doonaa Giriiga, kaddibna wuxuu u duuli doonaa Jordan, oo uu ku xijinayo Qatar, Imaaraadka, Sacuudiga, Masar,Israa’iil iyo ugu dambeyntii Daanta Galbeed.

 

Faallo: Waa maxay ujeeddada booqashada bariga dhexe ee Blinken oo ay uga duwan tahay afartii socdaal ee hore ?

 

Blinken wuxuu u marayaa waddamada gobolka si uu ugala hadlo in Maraykanku cadaadis saarayo Israa’iil si loo ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah ee Qasa iyo Daanta Galbeed. Ma maqashay howlgalka wajiga saddexaad ee Israa’iil, wuxuu raba Blinken inuu ugu sharraxo bariga dhexe inuu yahay howlgal kaliya noqon doona mid lagu beegsado dagaalyahannada Xamaas, dibna loo furo wada-hadallada maxaabiista lagu sii deynayo. Arrinta kale ee ah inuu sheegayo in la kordhinayo gargaarka bini’aadantinimo ee Qasa iyo bixinta baahiyaha aasaasiga ah ee rayidka ah. Waxa ugu muhiimsan oo waa inuu rabo markan si dammaanad leh inuu u sheego Mareykanka inuu la shaqeynayo waddamada gobolka,iyadoo la yareynayo xiisadda iyo hubinta in dagaal gobol uusan baahin, gaar ahaan kaddib duqeyntii Israa’iil ee Beirut iyo xiisadda Badda Cas. Waxaa jira hal qorshe oo Mareykanka uu doonayo waa mashruuciisa nabadda oo uu doonayo si loo dhaqangeliyo inuu waddamada gobolka ku qanciyo inay u hoggaansamaan.

 

Laakin magaranaysa waxa uu yahay qorshaha Mareykanka?

 

Waxaad xasuusataa dhowr maalmood ka hor in hadallada wasiirrada xagjirka ah ee Israa’iil Ben Gvir iyo kan maaliyadda oo sheegaya qorshaha Israa’iil ee ah in Falastiiniyiinta laga saaro Qasa, loona barakiciyo waddamo kale.Hadalladaas oo dhan ma ahayn kuwa aan la yaabo, gaar ahaan maadaama kuwa sheegay ay ka mid yihiin wasiirrada ugu xag-jirsan Israa’iil, laakin waxa la yaab leh ayaa ahaa cambaareynta Mareykanka ee hadaladan, oo ay ku xigto Faransiiska iyo ugu dambeyntii dalal kale. Maraykanku waa taageeraha ugu weyn ee Israa’iil ee dagaalkan, haddii uu joojin lahaa shixnadaha hubka ee Israa’iil, dagaalkani ma sii socon lahayn. Mareykanka ayaa ka soo horjeestay joojinta dagaalka, waxaana uu dhowr jeer adeegsaday diidmada qayaxan si uu uga hortago cambaareynta Israa’iil.

 

Muxuu u cambaaraynaya hadalladan oo kale, kuwaas oo aan la yaab lahayn marka loo eego waxa uu ku taageerray Israa’iil? Qof walbana waa ogyahay in ujeeddada asalka ah ee Israa’iil ay tahay in la barakiciyo dadka deggan Qasa. Dhab ahaantii, Maraykanku wuxuu ku raacsan yahay Israa’iil ciribtirka Xamaas, waxay Israa’iil kula heshiisay ilaalinta ammaankeeda.

 

Laakiin waxaa jira farqi u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil oo ku saabsan Qasa dagaalka ka dib, Israa’iil waxay doonaysaa in ay qabsato Qasa…oo ay dadka deggan u barakiciso waddamo kale, taa oo ay ku sheegayso habka kaliya ee ammaan ay ku helayso. Mareykanka ayaase arka taa caksigeeda , wuxuu aaminsanyahay haddii ay xataa Israa’iil burburiso Xamaas inay soo baxayaan kuwa kale oo dhaawaca Israa’iil,taana waa ma jirto waqti ay ammaan heli doonto. Midda ugu darana waa mowqifka caalamiga ah ee diidmada barakicinta Falastiiniyiinta, waa xaalad aan nabad u oggalaanayn bariga dhexe, taa oo khatar gelinaysa danaha joogtada ah ee Mareykanka.

 

Haddaba, wuxuu doonaya Mareykanka xal arrintaa ku saabsan, waana mashruucooda nabadda oo loo bandhigayo waddamada gobolka , kaa oo ciiwaankiisu yahay “Samaynta Dawladda Falastiin”. Maraykanku waxa uu ku celcelinayey tan iyo bilowgii dagaalka in dawlad Falastiiniyiin ah la dhiso, mashruucan waxaa loo soo bandhigay gobolka.”

 

Waxaan ogahay inad rabtid inad i waydiiso; Suurtagal ma tahay in dawlad falastiiniyiin ahi oo haysata hub culus, leh garoomo diyaaradeed, caasimadduna tahay Qudus?

 

May, taa ayaan arkaya , sababtoo ah mashruuca dawladda falastiiniyiinta ee Maraykanku doonayo waa dawlad-gobolleed, isku daraya Qasa iyo Daanta Galbeed, looma oggala ciidammo, waxaana ilaalinaya xuddeedeeda ciidammo caalami ah , si kale ha u fakarin waa Dawlad la mid ah Kosovo iyo Jamhuuriyadda Turkiga ee Qubrus.

 

Si bilow ah, hadda waxaa jira cilmi-baaris lagu samaynayo cidda hoggaamin karta dalkan ka hor inta aanu u gudbin hannaanka dimuqraadiyadda, marka loo eego aragtida Mareykanka, mashruuca lagu dhisayo dawlad Falastiin , wuxuu ka caawinaya inay Israa’iil xiriir caadi ah oo diblomaasiyadeed la yeelato dhammaan waddamada Carabta, waxayna helaysa dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo xor ah, tana waa mid ka qaybqaadanaya nabadda bariga dhexe, waxayna gacan ka geysan doontaa baabi’inta dhaqdhaqaaqa iska caabinta sababtoo ah Falastiiniyiinta markaa waxay leeyihiin dawlad, dawladdani waxay la shaqayn doontaa Israa’iil, waxaana la dammaanad qaadi doonaa ammaanka xuduudaha Israa’iil. Xalkan ayaa sidoo kale ah mid caalami ah marka loo eego ku qanacsan dhammaan waddamada adduunka oo muddo dheer doonayay inay arkaan dhismaha dawlad Falastiin ah.Isla mar ahaantaana, xalkan Qasa waxaa dib u dhisi doona waddamada gobolka.

 

Waa sababta aan u aragnay cararada Maraykanku ka qaaday hadalladii Wasiirka Maaliyadda ee Israa’iil iyo Wasiirka Amniga. Sababtoo ah hadalkooda ayaa jahawareer ku ah qorshaha Maraykanka. Sidoo kale, waxaan aragnay hab uu ku muujiyay Mareykanka dhaga adayga uu kala kulmayo Israa’iil , sababto ah duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan waxay ku tahay caqabad kale , si aysan Israa’iil u qaadin weerarro baaxad leh wuxuu la baxay markabkii ugu weyn ee dagaal oo ilaalinayay weerarrada Xisbullah iyo kuwa iska caabinta. Tani waxay khatar ku tahay Israa’iil, maaddama xilli walba uu dagaalka noqon doono mid ku baaha waddamada gobolka. Mareykanka mar walba waa dhinaca Israa’iil, balse isagoo helaya qorshe ilaalinaya danaha Israa’iil iyo danahiisa bariga dhexe , wuxuu isku dayaya inuu ku dhaqaaqo.

 

Doonista Israa’iil iyo Mareykanka waa hal-xiraale ay maamullayso Xamaas, oo ah midda beddeli karta qorshayaasha! Waxaan ku sheegi kara kaliya Iran ayaa u baahan waqti , dunidda kale oo Carabta u horreyso waxay madaxa u ruxi doonaan qorshaha Mareykanka. Laakin sabab aan ku iri furaha Xamaas ayaa heysa waa in boqol maxbuus oo askar ku jirto ay gacanta ku hayaan, waana ramuudka wax beddelaya!

 

W/Q Iman Jama