Taliyaha Millateriga Somaliland Oo Hargeysa Ku Soo Laabtay

0
60

Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Tani Iyo Saraakiil katirsan Ciidanka Qaranka oo safar shaqo ugu maqnaa Dalka Ethiopia ayaa galabta ku soo laabtay Dalka, waxaana garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ku soo dhaweeyey Saraakiil kala duwan oo ka tirsan ciidanka Qaranka, waxaana taliyaha iyo saraakiishiisa markii ay soo duulayeen dalka Ethiopia soo sagootiyey Saraakiisha ugu saraysa Dalkaasi.