Dagaalka Gaza Oo Galay Maalintii 92 Aad iyo Wararkii U Dambeeyey

0
55

Maalintii 92 aad ee dagaalka Qasa

 

Israa’iil, waxay saartay Qasa, culeyskeedii oo dhan , waxayna ku riday wax u dhigma 4 bam oo nukliyeer ah, waxa dhimanaya boqollaal rayid ah maalin walba , laakin dhanka kale haddii la isku dayo sawirka guusha ma jiro dhinaca Israa’iil oo saddex bilood ku dhex dagaallamaysa Qasa.

 

Balse marka la isku dayo fallanqaynta dagaalka oo aynu is barbar dhigno farqiga awoodeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo guutooyinka iska caabinta,inta u dhaxaysa hubka Israa’iil iyo taageerada dibadda ee ay hesho iyo guutooyinka iska caabinta oo lagu go’doomiyay hubkooda ay iyagu sameeyeen. Marka aan is barbar dhigno aagga Qasa iyo baaxadda duullaanka ciidamada Israa’iil ee gudaha 3 bilood ka dib,suurtagal maaha in fallanqeeye militari oo dhexdhexaad ah oo arka sawirkan inuu sheego ciidamada Israa’iil inay guulo waaweyn ka gaareen Qasa.

 

Wax kasta oo ay sameeyeen ciidanka Israa’iil, hadda natiijada dhabta ah ee ay ogyihiin waa inay adeegsadaan ciidanka cirka si loo baabi’iyo tirada ugu badan ee suurtagalka ah ee dadka rayidka ah

, si magaalada Qasa ay uga dhigaan mid aan la degi karin.

 

Xagga militariga, markay ciidanka Israa’iil noo sheegaan, waanu kala furfurnay ciidamadii Xamaas ee waqooyiga, oo maalmihii u dambeysay uu warbaahinta ka sheegayay afhayeenka militariga Israa’iil, waa inan waydiinaa sidee loo burburiyey , maaddama aan ognahay oo ay iyagu sheegeen inay kaliya dhulka hoostiisa ku jiraan, goorma la gaaray hal god oo waqooyiga ku yaalla oo saldhig dagaal ah?

 

Sidee ciidanka Israa’iil qof walba ugu qancin karaa in ay meesha ka saartay awooddii ciidan ee iska caabinta? Shalay, kaddib 3 bilood oo dagaal ah, ayaa gantaallo lagu garaacay Tel Aviv!

 

Sidee ugu malayn kartaa in aad guul ka soo hoyisay markaad ka baxayso meelihii aad ka talinaysay?

 

Waxaa la og yahay cilmiga militariga in haddii aad meel ka soo gaaro khasaare xoog leh oo aad awoodin inaad difaacdo ciidankaaga, haddaad dib u noqon waydo waxaad ogtahay ciidankaaga in la

baabi’in doono,tana waxay ka dhigan tahay in ka-bixitaanka aysan ahayn dib u habeyn, laakiin ay tahay inay yareynayso khasaaraha.

 

Waan ogahay inaad dhammaantiin xiisaynaysaan inaad ogaataan sida uu dagaalku ku dhammaan doono, illahay idinkii, waxaan soo daabici doonaa rajadayda ku saabsan xaaladaha dagaalka Qasa.

 

Iman jama