MADAXWEYNE SAID ABDULLAHI DENI OO MARKALE DIB LOOGU DOORTAY MADAXWEYNAHA PUNTLAND

0
60

MADAXWEYNE SAID ABDULLAHI DENI OO MARKALE DIB LOOGU DOORTAY MADAXWEYNAHA PUNTLAN.

 

Garoowe: 08 January, 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markale dib loogu doortay Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Shanta sano ee soo socota 2024-2029.

 

Madaxweyne Deni ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyey oo labajeer oo isku xiga dib loogu doortay Madaxweynaha Puntland. Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa u tartamay 11 Musharax, iyadoo wareeggii ugu dambeeyey ee sadexaad ay isugu yimaadeen Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo helay 45 cod, halka Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre helay 21 cod.

 

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo hadlay doorashada kadib ayaa u mahadceliyey Guddoonka iyo xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland iyo hawl-wadeenada golaha oo laf-dhabar u ahaa doorashada, Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, shacabka Puntland, gaar ahaan kuwa ku sugan caasimadda Garoowe iyo ciidamada Amniga ee sida naf-hurnimada leh u gutey waajibaadkoodii.

 

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Puntland, siyaasiyiinta, culimada iyo ciidamada qalabka sida ku booriyey inay isku duubnaadaan oo ka wadashaqeeyaan dowladnimada iyo horumarka Puntland.

 

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.