Golaha Guurtida Oo Ansixiyey Xeerarkii Doorashooyinka Ee Hor Yaalay

0
77

Golaha Guurtida Somaliland ayaa ansixiyay wax ka bedelka iyo kaabista xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland (xeer 91) kaas oo isbedelka ugu weyn lagu sameeyay uu yahay in cod hal dheeri ururradu ku soo baxaan halka markii hore xeerku sheegayay in ururkii hela 20% lixda gobol ee Somaliland uu soo baxayo.

 

Sidoo kale Golaha Guurtidu waxa ay ansixiyeen wax ka bedel iyo kaabista Xeerka xisbiyada iyo Ururrada (xeer 14).

 

Guud ahaan xeerarka la ansixiyay ayaa sheegaya in Doorashooyin isa-saaran Somaliland ka dhacaan kuwaas oo madaxtooyada iyo Ururraduba ka qayb-qaadanayaan.