Guurtida Somaliland Oo Xeerkii Doorashooyinka Hashiisa Guda Galay

0
61

Fadhigii Maanta ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii uu fadhigu furmay waxa uu ka codsaday guddoomiyaha guddidii gacanta ku haysay xeerka isa saarka doorashooyinka in uu warbixin ka siiyo golaha halka hawsha xeerku u marayso.

 

Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble, oo ah guddoomiyaha guddida 15-ka xubnooda ee golaha guurtidu u saaray naaqishaada Xeerarka doorashooyinka Qaranka, ayaa sheegay in bilka hor ay ugudbiyeen shir-guddoonka golahooda, waxaanu sheegay in qodobka isa-saarka doorashooyinka aanay waxba ka beddelin.

 

Sidoo kale xidhibaan Xareed waxa uu soojeediyay in aan laga deg degin wakhtiga la horkeenayo fadhiga golaha.

 

Intaas kadib guddoomiye Saleebaan ayaa mudanayaasha ku wargeliyay in maalinta Isniinta ee toddobaadkan haddii ALLE yidhaahdo la horkeeni doono fadhiga golaha, waxaanu xildhibaanada faray in maalinta bariya oo Axada ay fasax yihiin.