Urur Goboleedka IGAD Oo War Kasoo Saaray Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya

0
58

Ururr Goboleedka IGAD oo Soomaaliya xubin firfircoon ka tahay ayaa walaac xoogan ka muujiyay xiisadda Badda Soomaaliyeed ee Itoobiya dooneyso.

Waxaa Bayaanka lagu yidhi: “Marka la eego duruufaha jira, Xoghayaha Fulintu waxa uu u soo jeedinayaa madaxda IGAD in gacanta lagu dhigo, wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo isafgarad loogu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD”.

Xoghayaha fulinta ee Igad ayaa ku baaqay in madaxda IGAD ay ka fadhiistaan arrinkan isla markaana nabada iyo wada hadal lagu xalliyo khilaafka.

Xigasho: Mohamed Salh