10 sanno ee soo socda Somaliland iyo Djabuuti xuduud yelanmaayaan.

0
59

10 sanno ee soo socda Somaliland iyo Djabuuti xuduud yelanmaayaan.

Midabka xuruudaha ahi waa damac Itoobiya ee badd doonista.

 

Siday xoguhu sheegayaan heshiiska taariikhga ah ee ay wadagaleen Somaliland iyo Itoobiya waa 50 sano oo kiro ah dhul cabirkiisu ku teedsan yahay badda oo 20KM ah, oo u muuqata inta u dhexeysa Lawyacado iyo Saylac, Somaliland ku bedelatay Aqoonsi calami ah.

 

Sida oo kale xogtu waxay sheegaysa in ay ku jirto 60KM oo laga soo bilaabo xuduudka Itoobiya ilaa Saylac oo Itoobiya si nabad oo la mid ah dhulkooda ku maridoonan ilaa laga gaadhayo Saldhigooda Saylac.

 

Su’aasha muranka ka tagani Itoobiya ma ku koobnaan doonta Saldhiga Milarari mise waxay isla Saylac ka sameysandoonta Deked mustaqbalka dhaw ilaa ugu yaraan 5-10 Sano ee soo socda, waana meelaha khilaafku ka imandoono wakhtiga soo socda ee Somaliland iyo Itoobiya isku afgaranwaayidoonan isla markana xuduudka Somaliland iyo Djaabuti ku kala gu’idoono oo Itoobiya u dhexeyndoonto,